Gurmadka dhulgariirka Afghan- Pakistan

Lahaanshaha sawirka Getty
Image caption Suuq ku yaaala Pakistan oo uu dhulgariirku burburiyay.

Shaqaalaha gurmadka ee Afghanistan iyo Pakistan ayaa la halhgamaya inay gaaran meelaha fog ee dhulgariirkii xooganaa uu ka dhacay Isniintii.

Kumanaan ayaa habeenkii seexday banaanka iyadoo hawada ay qabowdahay, iyagoo ka cabsi qaba inay dhacaan dhulgariir yar oo ka danbeeya kii waynaa.

In kabadan saddex boqol oo qof ayaa ku dhintay dhulgariirka oo intooda badan deganaa Pakistan.

Ilaa laba kun oo qof ayaa ayaa ku dhaawacmay. Isgaarsiinta gobolka buuraha ayaa dhib noqday kadib markii dhulgariirka uu sababay inuu dhulka soo dumo.

Taliban oo maamusha meelaha qaar ayaa ugu baaqday in la soo gaarsiiyo gargaarka deg dega.