Meerayaal isku beegmay

Lahaanshaha sawirka Alan Trow
Image caption Meerayaasha Venus, Jupiter iyo Mars oo isku aaday

Meerayaasha Venus, Jupiter iyo Mars waxaad ka arki kartaa dhulka isbuucan iyagoo si naadir ah isugu aaday.

Isku aadkooda isbuucan oo dhan ayaa la arkayay, sidan ayayna sii ahaan doonaan illaa dabayaaqada isbuucan.

Waxaa si aad ah loo arki karaa saacad ah kahor inta asyan qorraxdu soo bixin, haddii aad eegto dhinaca bari.

Jupiter ayaa ugu wayn, uguna iftiin badan, waxaa soo raaca Venus oo ka yar Jupiter. Mars ayaa ugu yar oo aragti ahaana ugu iftiin yar.

Isku aadkooda waxuu dhacay kadib markii ay isku soo dhawaadeen khadadka ay mareen si ay qorraxda ugu wareegaan.