Madaxweyne Ouattara oo guulaystay

Lahaanshaha sawirka
Image caption Alassane Ouattara ayaa ah dhaqaaleyahan.

Madaxweynaha Ivory Coast Alassane Ouattara ayaa ku guulaystay markii labaad madaxweynenimada isagoo ku guulaystay siddeetan iyo saddex boqolkiiba codka.

Doorashada oo ah tii ugu horaysay tan iyo doorashadii 2010, oo natiijadeedii ka dhashay dagaal ay ku dhinteen saddex kun oo qof.

Dhowr mucaarad ayaa ka baxay doorashada sanadkan iyagoo ka cabanaya inaysan doorashada ku dhacay si xor iyo daacad ah.

Laakiin kormeerayaasha ayaa sheegay inay ku faraxsan yihiin sida ay doorashada u dhacday. Mr Ouattara oo u shaqayn jiray IMF ayaa ku ololeeyay doorashada inuu dhaqaalaha Ivory Coast sare u qaadi doono, iyadoo Ivory Coast ay tahay waddan soo saara Cocoaha ugu badan adddubka.