Raif Badawi oo ku guulaystay abaalmarin

Lahaanshaha sawirka Getty
Image caption Raif Badawi ayaa ku guulaystay bishan horaanteedii Pen Pinter oo la siiyo dadka u dagaalama xoriyada hadalka.

Qoraaga u dhashay Sacuudiga, Raif Badawi, ayaa ku guulaystay abaalmarinta Sakharov ee xuquuqda bini'aadanka. Abaalmarintan ayaa baarlamaanka Yurub uu siiyaa sanadkii qof ay u arkaan inay u dagaalameen xuquuqda bini'aadanka iyo dimoqraadiyada.

Mr Badawi ayaa wax ku qora bar internet ee Free Saudi Liberals, oo looga hadlo siyaasada iyo diinta.

Gudoomiyaha baarlamaanka Martin Schulz, ayaa ugu baaqay boqorka Sacuudiga King Salman inuu soo daayo si uu abaalmarinta u aqbalo.

Mr Badawi ayaa lagu xukumay toban sanno oo xarig ah iyo kun karbaash, isagoo lagu eedeeyay inuu caayay islaamka.

Ciqaabta ayaa keentay inay dad badan caalamka ay ka hadlaan. Abaalmarinta ayaa loogu magacdaray saynisyahanka Ruushka oo ahaa mucaarad ee Andrei Sakharov.