Wadahadalka dowladaha taageera Suuriya

Image caption Maraykanka, Sacuudiga, Ruushka iyo Turkiga ayaa ka qayb galaya wadahadalka.

Wadahadal isku keenaya waddamada kooxaha dagaalamaya ee Suuriya ayaa ka furmay magaalo madaxda Austria ee Vienna, iyadoo Iran ay ka qayb galayso shirka markii ugu horaysay.

Maraykanka iyo Sacuudi Carabiya ayaa haysta fikrad ka duwan kan Ruuska iyo Iran marka laga hadlaayo mustaqbalka madaxweyne Assad.

Laakiin diblomaasiyiinta ayaa sheegaya, in quwadaha iska soo horjeeda ay gaari rabaan heshiis sidii loogu gudbi lahaa dowlad ku meel gaar ah oo u ogolaanaysa Bashar al Assad inuu xukunka sii hayo mudo gaaban.

Wariyaha BBC ayaa sheegaya, in waxyaabaha laga fikirayo ay ku jirto xabad joojin iyo cafis si loo hubiyo habkii lagu gaaro doorasho.

Dowladda Suuriya iyo mucaaradka ayaan lagu marti qaadin shirka.