Shirka Suuriya oo dhamaaday

Lahaanshaha sawirka Getty
Image caption Iran ayaa markii ugu horaysay ka qayb gashay shirka Suuriya.

Waddamada taageera dhinacyada Suuriya ee dagaalamaya ayaa shir ay ku yeesheen Vienna ay uga hadleen sidii loo dhamayn lahaa dagaalka Suuriya.

Xoghayaha arrimaha dibadda ee Maraykanka John Kerry, ayaa sheegay inay jiraan heshiis dhowr meelood.

Wuxuu sheegay in Qaramada Midoobay hadda la waydiinayo in diyaariyo sidii ay dowladda Suuriya iyo mucaaradka ay u samayn lahaayeen hab siyaasadeed oo lagu gaaro doorasho.

Mr Kerry ayaa sheegay in Ruushka iyo Maraykanka ay ku kala duwan yihiin mustaqbalka madaxweyne Assad.