Waddamada Afrika oo horumar ka sameeyay fududaynta ganacsiga

Image caption Singapore ayaa ugu horaysa waddamada fududeeya in ganacsi la sameeyo.

Bangiga Adduunka ayaa sheegay in waddamada soo koraya ay si dhaqso isbadal u sameeyeen si loogu fududeeyo dadka inay ganacsi bilaabaan oo shaqeeya.

Daraasaadka Bangiga ee sanad laha ee fududaynta in ganacsi la sameeyo ayaa waddamada horumaray ay ugu horeeyaan liiska, inkastoo ay ku jiraan shan waddan oo Afrikaan ah iyo laba waddan oo bartama Asia.

Waddanka ugu horeeya ayaa noqday Singapore, oo ay ku xigto Newzealand iyo Denmark. Laakiin warbixinta waxay sheegaysaa inay jiraan calaamado muujinaya in waddamada saboolka ah ay muujiyeen horumar sida samaynta ganacsiga loo fududeeyo.

Tobanka waddan ee horumarka gaaray waxaa ka mid ah Kenya, Senegal iyo Kazakhstan.

Isbadalada badankood ee sanadkii hore ayaa loogu tala galay inay yareeyaan qarashka iyo sharciyada ganacsiga.