Guddi loo dhisay maamul u samaynta Hiiraan iyo Sh/ Dhexe

Lahaanshaha sawirka

Wasaaradda Arimaha Gudaha ee dawladda Federaalka ayaa Muqdisho kaga dhawaaqday liiska xubnaha guddiga farsamada ee maamul u samaynta gobolada Hiiraan iyo Shabeellaha dhexe kaas oo in mudo ahba laga sugayay xukuumadda Soomaaliya.

Gudigana ayaa waxa ay shaqadoodu noqon doontaa fududeynata qabsoomidda shirka dawlad goboleedka loogu samaynayo labadaasi gobol.

Guddigaasi oo ka kooban 14 xubnood oo laba kamid ah ay dumar yihiin waxa ay kala yihiin;

  • Caasho Cabdulle Xasan(Raagto)
  • Maxamed Cali Nur
  • Cusmaan Barre Maxamed
  • Caasha Abuukar Cismaan
  • Cabdikariin Shire Cabdi
  • Dr Bashiir Sh. Ibraahim Cismaan
  • Cusmaan Ibraahim Cali
  • Maxamed Adan Xasan
  • Cabdiraxmaan Maxamed Diiriye
  • Cabdiraxmaan Faarax Xirsi
  • Axmed Cabdiraxmaan Abuukar
  • Shiikh Maxamuud Sh Yuusf
  • Cabdiraxmaan Cabdi Cilmi
  • Cabdiraxiim Xaaji Faqi

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Federaalka,Cabdiraxmaan Maxamed Xuseen, waxa uu sheegay in Guddigan Farsamada la meel mariyey kadib markii wadatasshi lala sameeyay saxiixayaasha heshiiska maamul u smaynta goballada Hiirana iyo Shabeelada Dhexe.

Balse Guddoomiyaha Gobalka Hiiraan C/fitaax Xasan Afrax oo kamid ah saxiixayaasha heshiiskaasi ayaa BBC-da u sheegay in aan wax wadatashi ah lala samayn ka hor inta aan la shaacin liiskaasi.

Waxa uu ku baaqay in Wasaaradu ay ka noqoto wareegtadaasi, islamarkaana xubnaha guddiga ay ku yimaadaan wadatashi dhinacyada ay khusayso.

Waxa uu sheegay in 14 xubnood ee lagu dhawaaqay ay khilaafsantahay tiradii hore laysugu ogaa oo ahayd 31 xubnood.

Wali lama shaacin halka shirka maamul u samaynta labada gobal lagu qaban doono.