Diyaarad ku burburtay masar

Lahaanshaha sawirka Reuters

Diyaarad Ruushku leeyahay oo siday 224 qof ayaa ku burburtay jasiiradda Sinai ee dalka Masar. dhamaan dadkii saarnaa waxaa la xaqiijiyay in ay ku dhinteen.

Inta badan rakaabka waxa ay ahaayeen dalxiisayaal u dhashay Ruushka.

Diyaaradda, ayaa ka soo kacday Sharm El sheikh waxayna ku socotay St. Petersburg.

Mas'uuliyiinta Masar ayaa sheegay in burburka diyaaradda laga helay bartamaha Sinai, waxaana goobta gaaray shaqaalaha gurmad deg degga.

Koox ka tirsan shaqaalaha gurmadka deg degga ee dalka Ruushka ayaa gaaray goobta burburka. Waxa ay soo daadguraynayaan maydadka.

Waxaa la sheegay in diyaaradda ay cilad qabsatay oo ay isku dayaysay in ay ku dagto garoonka ugu dhaw ee waqooyiga Sinai, wax yar ka hor inta aysan burburin.

Qaraabada rakaabka oo murugoonaya ayaa isgu soo xoomay garoonka St Petersbur, ee dalka Ruushka iyagoo sugaya macluumaad dheeraad ah oo ku saabsan burburka diyaaradda.

Madaxweyne Putin ayaa diray tacsi, wuxuuna sheegay in maalinta Axadda ay noqon doonta maalin baroordiiq qaran.