Dagaal ka dhacay gobalka Bakool

Lahaanshaha sawirka bbc

Wararka laga helayo gobolka Bakool ee konfurta Soomaaliya ayaa sheegaya in saaka aroortii uu dagaal ka qarxay tuulooyinka Garasweyne iyo Mooragaabey oo qiyaastii 30 km dhinaca galbeed kaga beegan magaalada Xudur.

Dagaalka oo ay soo qaaday Xarakada Al-Shabaab ayaa lagu weeraray saldhigyo ciidamada dawaladda iyo kuwa Itoobiya ay halkaasi ku lahaayeen.

Guddoomiyaha Xudur Maxamad Macalim Axmed ayaa BBC-da u sheegay in Shabaabka laga dilay 50 qof ka badan, dhinacooda laga dilay seddax askari.

Ma jiraan ilo madaxbanaan oo sheegashadaasi xaqiijiyay.