Doorasho ka dhacayso dalka Turkiga

Dadweynaha dalka Turkiga ayaa u codaynaya doorashada labaad ee baarlamaanka muddo shan bill gudahood.

Xisbiga AK, ee uu aasasay madaxweyne Recep Tayyip Erdogan ayaa looga adkaaday si aqlabiyad ah codadkii la tiriyay bishii June, balse dadaalo lagu doonayay in lagu dhiso xukuumad isbaheysi ayaa lagu guuldareestay.

Ammaanka ayaa ah arrinka ugu muhiisan doorashadan, kaddib markii ay burbureen xabad joojin ay xukuumadu la gali lahayd maleeshiyada Kurdiyiinta iyo islaamiyiinta weerada soo qaada.

Madaxweyne Erdogan ayaa balan qaaday in uu soo celin doono xasiloonida ammaanka haddii xisbigiisa uu helo aqlabiyada codbixiyayaasha.

Balse mucaaradka ayaa ka digaya guul weyn oo ay gaaraaan xisbiga Erdogan in ay sii kordhineyso waxa ay ku sheegeen xukunka kali-talisnimada ee Erdogan.