Ruushka: Daacish ma soo ridin diyaarada burburtay

Lahaanshaha sawirka EPA
Image caption qayb kamid ah diyaardii burburtay

Wasiirada Gaadiidka iyo xaaladaha deg-dega ee dalka Ruushka ayaa gaaray dalka Masar gaar ahaan goobtii ay ku burburtay diyaaradii laga lahaa Ruushka oo dhamaan 224 qof ee saarnaa ay ku dhinteen.

Wasiirada waxaa la socdo saraakiil ka tirsan laanta Gaaidka Hawada ee dalka Ruushka. Waxa ay doonayaan in ay ogaadaan sababta keentay burburka diyaaradda.

illaa iyo hadda maydadka 175 qof oo kamid ahaa rakaabka diyaaradda ayaa lehalay. Maydad dheeraad ah laga raadinaya waqooyiga Sinai.

25 ka mid ah dadka halkaasi ku dhintay ayaa waxa ay ahaayeen carruur, iyadoo gabar 10 bilood jir ahna ay ugu yarayd.

Maydadkii ugu horreeyay ee laga keenay goobta ay diyaaraddu ku burburtay ayaa la filayaa in xilli dambe oo maanta ah loo duuliyo Ruushka.

Labadaba Ruushka iyo Masar waxa ay meesha ka saareen sheegashada maleeshiyaadka lala xiriiriyo kooxda Dowladda Islaamiga ah ay ku sheegteen in ay iyagu mas’uul ka yihiin burburka diyaaradda. Waxa ay sheegeen in ay u badantahay cilad xaga farasamada.

Lahaanshaha sawirka EPA
Image caption qayb kamid ah diyaardii burburtay

Ruushka ayaa maanta u baroordiiqaya dadkii ku dhintay burburkii diyaaradeed ee ugu dhimashada badnaa taariikhda dalkaasi.

Qaraabada dadka ay diyaaradda la dhacday ayaa isugu soo uruuraya hoteel u dhaw gagida diyaaradaha ee St Petersburg.

Bilowgii markii ay halkaa imanayeen waxa ay rajo ka qabeen in ay jiraan dad ka badbaaday shilka, hasayeeshee markii dambe waxa ay bilaabeen in ay bixiyaan saambalo dhiigga hida sida ah, si ay gacan uga gaystaan aqoonsiga dadka dhintay.

Shirkadda leh diyaaradda burburtayna waxa ay ku adkaysanaysaa in inkastoo ay diyaaradaasi ay shaqeynaysay 18 sano haddana ay xaaladeeda wanaagsanayd, oo uu waday duuliye khibrad leh.