Guddi loo magacaabay khilaafka xisbiga Kulmiye

Lahaanshaha sawirka BBC World Service
Image caption Khilaafka Kulmiye ayaa salka ku haya shirka golaha dhexe ee xisbiga oo musharixiinta qaar ay ka biyo diideen.

Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo ayaa guddi u magacaabay khilaafka ka dhex taagan xisbiga talada haya ee Kulmiye, khilaafkaasi oo ka dhashay saddex murashax oo iclaamiyay in shirka golaha dhexe ee xisbiga ee 10-ka bishaan Hargeysa ka dhici doono uu u afduuban yahay murashax keliya oo ah guddoomiyaha xisbiga Kulmiye.

Madaxweyne Siilaanyo guddiga uu magacaabay xalay goor danbe waxay ka kooban yihiin shan xubnood oo kala ah ; xeer ilaaliyaha guud , wasiirka gaashaandhigga , guddoomiyaha guddiga maamul wanaagga , gugdoomiyaha akaadheemiyada nabadda iyo horumarinta Somaliland , iyo agaasimaha maamulka ee guddiga la dagaallanka HIV Aids.

Madaxweynuhu wuxuu sheegay in gudigani si madax bannaan u soo hubiyo in uu wax khalad ahi ku jiraan liisaska xubnaha golaha dhexe iyo qaabka loo diiwaangeliyay.