Xiisad ka taagan jasiiradda Zanzibar

Waxaa sii korortay xasilooni darrada siyaasadeed ee ka taagan ismaamul goboleedka Zanzibar ee dalka Tanzania, kaddib markii la kordhiyay habeen hore wakhtiga uu xilka haynayo madaxwaynaha gobolkaasi.

Cali Maxamad Shein waxa uu xilkisu ku ekaa maanta.

Madaxwaynuhu wuxuu xilka sii hayndoonaa tan iyo inta laga caleemo saarayo madaxwayne cusub.

Hasa ahaatee sidii la filayayba ku dhawaaqitaankaasi waxay dhalisay dhaleecayn wayn oo ay oo uu soo jeediyay xisbiga CUF iyo garyaqaanada waxayna ku doodayaan in si khalad ah loo turjamay.

Dhanka kalana, Madaxwaynaha xilkiisu dhamaaday ee Tanzania, Jakaya Kikwete, ayaa amray in xafiiskiisu uu dhexdhexaadiyo xisbiga mucaaradka ah ee wayn iyo taliyaha ciidammada.