Badhitaanka shilka dayaarda Ruushka

Masuuliyiinta Ruushka ayaa bilaabay inay aqoonsadaan mayadadka dadkii ku dhintay shilkii dayaradeed ee Sabtidii ka dhacay Masar. Igor Albino o ah badhisaab ku xigeenka St Petersburg ayaa sheegay in illa hadda sagaal qof ay aqoonsadeen eheladoodu, dhamaan laba boqol iyo afar iyo labatankii qof ee la socday dayaarada ayaan cidi ka badbaadin.

Waxaa kaloo la bilaabay in la dhugto macluumaadka ku jira labada sanduuq ee madaw ee dayarada Mertojet.Wakaalada wararka ee TASS ayaa sheegtay in khubaradu ay baadhayaan walxo kale oo laga helay goobtii dayaaradu ku dhacaday oo aan la xidhiidhin dayaarada.