Madaxweyne Sisi oo BBC'da u waramay

Lahaanshaha sawirka AFP

Madaxweynaha Masar Abdul fatah Al-Sisi ayaa ku tilmaamey sheegashada kooxda Dawalada Islamiga ahi inay rideen dayaradii Ruushka ay tahay dacaayad.

Waxa uu BBC da u sheegay inay waqti hore wali tahay si loo ogaado waxa keenay shilka.

Dayaaradan ayaa la sheegay inay hawada dhexdeeda ku burburtay iyadoo dul maraysa gacanka Sinai Sabtidii halkaana ay ku nafwayeen dhamaan 224 qof ee la socday .

Madaxweynaha ayaa ka digay in lagu degdego go’aan “cid kasta oo rabta baadhitaanka waanu oo dhaweeynyaa” ayuu u sheegay BBC da kahor intaanu booqasho ku iman dalkan Britain.

“Marka la fidinayo dacaayada ah in dayaarada ay rideen kooxda dawlda islmaiga ah , waxaa loogaa jeedaa in dalka Masar xasiloonidiisa lagu khalkhal galiyo iyo sumcadiisa . I rumayso xaalada Sinai gaar ahaan goobta ayr ee wax ka dhaceen anaga ayaa ka talina”

Madax sirdoonka Maraykanka James Clapper ayaa sheegay inaanay jirin wax cadeeynaya in dayaarada la toogtay lakiinse buu yidhi ma odhan karo wali sidaas ayeey wax u dhaceen.