Shirkii wadammada Badweynta Pacific-ga oo burburay

Lahaanshaha sawirka AP
Image caption Shirkii Asia Pacific ee lagu qabtay Shiinaha 2014-kii

Shirkii ay waddanka Malaysia ku lahaayeen wadammada ku midoobay uruka Aasiya-Pacific-ga ayaa burburay iyadoon wax heshiis ah la gaarin kaddib markii uu muran ka dhashay ficillada Shiinaha uu ku hayo Badda Koonfurta Shiinaha.

Shirkan oo ay ka qeyb galeen qaar ka mid ah wadammada qaaradda Aasiya iyo wadammada ay badweynta Pacific-ga marto ayaa ku guuldaraystay in ay soo saaraan bayaan wadajir ah oo kama dambeys ah.

Saraakiisha ayaa sheegay in Shiinaha uu doonayo in uu codka qayaxan u isticmaalo mooshinkasta oo ka dhan ah dhismaha ay ka waddo jaziiradaha, arrintaasi oo sababtay in xiisado ay ka kacaan gobolka, iyadoo wadammada kale ee taageerada ka helaya Mareykanka ay sheegeen in ay tahay in arrintaa lagu daro bayaanka.

Xiisad u dhaxaysa Mareykanka iyo Shiinaha ayaa cirka isku shareertay kaddib markii todobaadkii la soo dhaafay markab dagaal oo uu Mareykanku leeyahay uu u dhawaaday jaziiradahaas uu Shiinaha la taliyo.