Shirka deegaanka Geeska Afrika ee Hargeysa

Image caption shirka deegaanka Hargeysa ee Geeska Afrika

Magaalada Hargeysa, waxaa si rasmi ah maanta uga furmay shir ku saabsan ilaalinta deegaanka oo ay ka soo qayb galeen wufuud ka kala socota wadammada Bariga Afrika qaarkood iyo khubaro caalami ah.

Shirkan ayaa waxa uu socon doona muddo saddex maalmood ah, waxaana diiradda lagu saari doonaa waxyaabaha dhibaatada ku keeni kara deegaanka.

Sida uu sheegayo Cabdiraxmaan Maxamed Axmed, oo ah gudoomiye ku xigeenka ururka Horn of Africa Regional Environmental Network, ee shirkan soo qaban qaabiyayna, waxyaabaha ugu weyn ee shikra looga hadli doono ayaa ah siyaabaha loogaga hortegi karo waxyaabaha deegaanka wax u dhima sida geedaha oo la gooyo, duur-joogta oo la qabto ama la dilo ama la dhoofiyaba, biyo la’aanta, iyo waxyaabaha sababa abaarta.

Shirkan ayaa waxa uu ku soo beegmayaa xilli ay socdaan dadaalo lagu doonayo in lagu xakameeyo cimilada sii kululaanaysa ee dunida, iyadoo qaaradda Afrika ay ka mid tahay meelaha ay sida weyn u saameysay cimilada sii kululaanaysa.