kumanaan Yaxaas oo gaajo haleeshay

Lahaanshaha sawirka AFP
Image caption Yaxaas

Kow iyo toban kun oo yaxaas ku nool waddanka Honduras oo aanan la quudin ku dhawaad muddo bil ah maadaama dadkii lahaa la xabinay dhaqaalahooda ayaa ugu dambeyntii waxaa la siiyay waxoogaa raashin ah.

In ka badan 10 kun oo kiilo oo digaag ah iyo laba kun oo uur ku jirta lo’da ayaa loogu deeqay shirkadda gacanta ku haysa meesha lagu xanaaneeyo xayawaankan.

Xayawaankan ayaa waxaa iska leh qoyska Rosenthal, kuwaasi oo baarayaasha Mareykanka ay saddex xubnood oo ka tirsan ay ku eedeeyeen in ay ku lug leeyihiin lacago lagu kala xawilo si sharci darra ah oo ay leeyihiin dad ka shaqeysta mukhaadaraadka.

Maareeyaha shirkadda ayaa sheegay in raashinka ay heleen uu caawin doono laba ilaa saddex maalmood.