Maxaa soo riday diyaaraddii Ruushka?

Lahaanshaha sawirka AFP
Image caption Burburka diyaaraddii Ruushka ee ku dhacday dalka Masar

Warar sirdoon oo la helay ayaa sheegaya in diyaaradda Ruushka ee ku burburtay dalka Masar ee ay ku dhinteen dhammaan 224-tii qof ee saarneyd ay suuragal tahay in uu soo riday bam, waxaa sidaasi sheegay saraakiisha Mareykanka iyo UK.

Hasayeeshee weli ma aanay gaarin gebagabo rasmi ah.

Xilli hore Britain ayaa waxa ay joojisay duulimaadyada tagaya ama ka soo baxaya magaalada loo dalxiis tago ee Sharm el-Sheikh, halkaasi oo ah goobta ay diyaaraddu ka soo duushay.

Dowladda Masar ayaa waxa ay diidday sheegashada ah in maleeshiyaadka lala xiriiriyay kooxda Dowladda Islaamiga ah ay soo rideen diyaaradda.

Khubarada Ruushka ayaa sheegay in ay xilli hore tahay in sababta la sheego.

Arbacadii ayaa saraakiisha Masar waxa ay sheegeen in qeybta hore ee codka duubto ee diyaaradda Metrojet 321 uu dhaawac xun ka soo gaaray burburka.

Sikastaba ha ahatee, waxaa u suuragashay in ay xog ka helaan qalabka xogta duuba kaasi oo haatan ay darsayaan baarayaasha, waxaa sidaasi sheegay, Wasiirka Duulista Rayidka ee Masar, Maxamed Xusaam Kamaal.