Aung San Suu Skyi: Diyaar ayaan u ahay in aan wax maamulo

Lahaanshaha sawirka AFP
Image caption Aung San Suu Kyi, hogaamiyaha mucaaradka ee Myanmar

Hogaamiyaha mucaaradka Myanmar, Aung San Suu Kyi, ayaa waxa ay ballan qaadday in ay dowladda ay hogaamin doonto haddii xisbigeeda uu ku guulaysto doorashadii ugu horreysay ee si furan loogu tartamo dalkaasi muddo 25 sana ah.

Milateriga Myanmar, ayaa waxa ay sameeyeen dastuur qabya ah oo ka hor istaagaya in ay noqoto madaxweynaha dalkaasi.

Hasayeeshee, iyadoo ka hadlaysay magaalada ugu weyn dalkaasi, ee Yangon, ayaa Aung San Suu Kyi, waxa ay sheegtay in ay hogaamin doonto dowladda oo ay magacaabi doonto madaxweyne ku shaqeeya sida ay qabto siyaasadda xisbigeeda lagu magacaabo "The National League for Democracy".

Weriyaha BBCda ee Myanmar, ayaa sheegaya in hadalkeeda uu si toos ah ugu beegan yahay milateriga Burma, waxaana loo arki karaa mid aan dastuurkaba waafaqsaneyn.