27 Kenyan ah oo lagu maxkamadeeyay Muqdisho

Image caption Kenyan lagu maxkamadeeyay magaalada Muqdisho

Maxkamadda gobolka Banaadir ayaa 27 qof oo Kenyan ah oo ku eedaysnaa in ay sharci darro ku joogeen Soomaaliya, waxa ay ku xukuntay in ay bixiyaan ganaax lacageed kaddibna dalka laga musaafuriyo.

Waxaa midkiiba lagu xukumay ganaax lacageed oo gaaraya 10 doolar oo Ameerikaan ah inuu bixiyo maalintiiba mudada uu ka dhacsanaa dal ku galka ay dalka ku joogeen, markii ay lacagtaasi bixiyaanna la musaafuriyo.

Dadkan ayaa waxa ay u shaqeynayeen shirkad gaar loo leeyahay oo ka howlgasha magaalada Muqdisho.

Maxkamadda gobolka Banaadir ayaa sidoo kale waxa ay ku ganaaxday 10 kun oo doolar in ay bixiso shirkaddii ay dadkaasi u shaqeynayeen.

22 ka mid ah 27-kaasi qof ee Kenyanka ah ayaa waxa ay ka soo hor muuqdeen maxkamadda oo ka dhacaysay saldhiga booliska ee gagida diyaaradaha ee Aadan Cadde, ee magaalada Muqdisho.

Inta la og yahayna, waa markii ugu horreysay oo dad ajaanib ah lagu xukumo in dalka laga musaafuriyo tan iyo burburkii dowladdii dhexe ee Soomaaliya xilligii sagaashameeyadii.