Faransiiska oo xoojinaysa ammaankeeda

Faransiiska, ayaa sheegay in ay hirgelinayaan illaalinta xadka ilaa muddo bil ah iyagoo u diyaargaroobaya marteligelinta shirka cimilada caalamiga ee Paris ka dhacaya.

Wasiirka arrimaha gudaha Faransiiska, Bernard Cazeneuve, ayaa sheegay in hubinta ay qeyb ka tahay tallaabooyin ballaaran oo ammaanka shirka ah, kaasi oo bilaabanaya 13ka November.

Wuxa uu sheegay qatar ah dibadbaxyo rabshada wata iyo sidoo kale weeraro argagixiso.

Tobeneeyo hoggaamiyayaasha dunida ayaa la filayaa inay ka qeybgalaan shirkaas QM oo laga filayo in lagu gaaro heshiis cusub oo dunida ku yareyneyso diiramaadka. Faranasiiska ayaa qeyb ka ah heshiiska isu socodka ee Schengen (shengen)