Lacago loo qoondeeyay isbadlka cimilada

Sanduuq bilaayiin doolar ah oo QM ay taageereyso loona sameeyay sidii loogu caawin lahaa dalalka horumaraya inay isbadalka cimilada wax kaga qabtaan, ayaa ogolaaday mashaariicdii ugu horeeysay.

Lacagtan oo gaareyso 168 milyan oo doolar oo ka soo baxday sanduuqa Green Climate ayaa lagu qabanayaa mashaariicda dalalka Malawi, Maldives iyo Latin America.

Qarashkan ayaa la fasaxay sedex todobaad ka hor shirka cimilada ee Paris ka dhacaya.

Madaxa sanduuqa, Hela Cheikhrouhou, ayaa sheegtay in bixinta lacagta ay muujinayso ifafaalo fiican ka hor shirka, balse kooxaha ololeeya qaarkood ayaa sheegaya in habka loo ogolaaday qarashkan uusan cadeyn.