Duullimaadyadii Ruushka oo la joojiyey

Lahaanshaha sawirka EPA

Madaxa sirdoonka Ruushka ayaa ku talinaya in dhammaan diyaaradaha rakaabka ee Ruushka ee tagaya Masar la joojiyo.

Alexander Bortnikov ayaa sheegay in la baajiyay diyaaradahooda tagi jiray dalkaasi Masar, ilaa inta la soo bandhigayo waxa sababay diyaraadii ku burburtay Sabtidii dalkaasi.

Dhanka kale dalxiisayaashii ugu horeeyay oo British ah ayaa laga soo qaaday Sharma El-Sheikh, kaddib markii London laga joojiyay dhammaan duulimaadyada ka imaanaya dalka Masar.

Britain aya sheegaysa in warar sirdoonka ay ka heleen ay sheegayaan in diyaaradda burburtay bam lagu soo riday.

Kumannnaan dalxiisayaal British ah ayaa ku xayirmay Sharma El-Sheekh.

Duulimaadka maanta ayaa suurgalay kaddib markii hubin amni oo dheeri ah la qaaday iyadoo boorsooyinka rakaabkana si gooni ah loogu soo qaaday diyaarado kale.