Cristiano Ronaldo: Waxaan ahay ciyaartoyga adduunka ugu fiican

Lahaanshaha sawirka Getty

Cristiano Ronaldo ayaa sheegay inuu yahay laacibka kubbadda cagta ee adduunka ugu wanaagsan, lana barbardhigi karo ciyaartoydii taariikhda kubbadda cagta ugu fiicnaa.

Waraysi uu siiyay BBC sports, weeraryahanka Real Madrid waxaa uu sheegay inuu gaaray heer aanay sahlnayn in la dhaafo.

Ninkan reer Portugal oo 30 jir ah waxaa uu saddex jeer ku guulaystay laacibka sanadka kubbadda cagta ugu fiican adduunka, waxaana uu goolasha ugu badan taariikhda u dhaliyay Real Madrid.

Waxaa uu yiri "uma baahni inaan iraahdo waxaan ku jiraa taariikhda kubbadda cagta ee waxaan ahay taariikh. Tirada goolasha aan dhaliyay ayaa wax walba kuu sheegasya."

Ronaldo oo Real Madrid ay Manchester United uga soo iibsatay £80 milyan oo geniga Ingiriiska ah sanadkii 2009-kii, waxaa uu sheegay inuu ciyaarta ka gaaray heer aan la rumaysan karin siddeeddi sano ee la soo dhaafay, uuna doonayo inuu sii ciyaaro shanta ama lixda sano ee soo socda.