Nigeria iyo Mali oo gaaray final-ka Koobka Adduunka ee 17 jirrada

Lahaanshaha sawirka EPA

Ciyaaryahanada ay da’dooda ka yar tahay 17-ka sano ee xulalka Nigeria iyo Mali, ayaa waxa ay u soo baxeen kama dambeysta Koobka Adduunka ee ka soconayo waddanka Chile, kaddib markii ay guulo ka soo hooyeen ciyaarihii nus dhammaadka ee ay dheeleen Khamiistii.

Xulka Nigeria ee haysta koobkan loo tartamayo ayaa 4-2 waxa uu kaga adkaaday xulka Mexico, iyagoo iska soo guday gool ciyaarta lagu daahfuray kaddibna ay ciyaartu noqotay barbaro 2-2 ah, balse markale iska reebay Mexico sidaana ay Nigeria ku gaartay final-ka koobka.

Mali ayaa sidoo kale iska soo guday gool ay ka dhaliyeen xulka Belgium iyagoo ugu badalay 3 gool.

Labadan kooxood ee Afrikaanka ah ayaa waxa ay ku tartami doonaan koobka maalinta Axadda ah, iyadoo ciyaartana ay ka dhici doonto garoonka Sausalito ee magaalada Vina del Mar ee dalkaasi Chile.

Nigeria ayaa 11 jeer oo ay koobkan ka qeyb qaadatay waxa ay kama dambeystiisa gaartay markii sideedaad, halka Mali ay u aheyd markii ugu horreysay ee ay gaarto kama dambeysta koob ay maamusho FIFA.