Caasimada Burundi oo kacsan

Dadka ayaa ka qaxaya qaybo kamida caasimada Burundi ee Bujunbuura.Iyadoo u dhacayo waqtiga kama danbeeysta ah ee ay tahay in hubka sharci darada ah lagu soo xareeynayo caawa saqda dhexe laba iyo tobanka.

Wariyaha BBC-da ee Bujunbura ayaa sheegay inuu arkay dad furaashyo sita iyo agab kale si ay u tagaan xaafadaha nabdoon ee magaalada.

Qaramada midoobay ayaa sheegaya in ugu yaraan laba boqol oo qof ay ku dhinteen dalka Burundi tan iyo bishii April, kadib qalalasahii bilaabmay markii uu madaxweryne Pierra Nkrunaziza xukunka u cumaamatay mar sadexaad, taas oo mucaaridku kasoo horjeesteen.