Shiinaha iyo Taiwan oo kulmay

Lahaanshaha sawirka GETTY

Madaxweynayaasha Taiwan iyo China ayaa kulmay markii u horeesysay tan iyo 1949 waqtigaas oo kukala baxeen dagaalkii sokeeye ee Shiinaha, Madaxweynaha Shiinaha Xi Jinping iyo dhigiisa Taiwainiiska ah Ma Ying-Jeou ,ayaa isku salaamay Hotel ku yaal Singapore.

Mr XI ayaa sheegay in labada dhinac ay yahiin qoys qudha Mr MA ayaa dhankiisa sheegay in ay tahay in labadab dhinacba isku ixitramaan hab dhaqankooda kala duwan ,Taiwan ayaa ku dhaqanta nidaamka xisbiyada badan halka Shiinahu ay yahiin Dal xisbi qudha ahi ka taliyo.

Shiinaha ayaa u arka Taiwan inay tahay qayb dhulkeeda kamida , Halka Taiwana ayaa isu aragto inay tahay dawlada sharciga ah ee dhulweynaha Shiinaha oo dhan.