Bangiga Adduunka oo ka digay isbedalka cimilada

Image caption Warshadaha waaweyn ayaa qeyb ahaan mas'uul ka ah wasakheynta hawada

Isbedalka cimilada ayaa sababi kara in dad ka badan boqol milyan ay 15-ka sano kaddib ku noolaadaan saboolnimo xad-dhaaf ah, sida uu sheegay Bangiga Adduunka.

Warbixinta ayaa lagu sheegay in dunida sii kululaaneysa ay yareyn doonto dalaga, ayna sare u qaadi doonto faafida cuduro ay ka mid tahay malariyada.

Bangiga adduunka ayaa sheegay in isbedalka cimilada uu durbaba saameyn ku yeeshay dadka dunida ugu saboolsan, kuwaasi oo la daalaa dhacaya in ay beertaan dalaga roob yari awgeed.

Warbixinta ayaa lagu sheegay in dadka saboolka ah ay u nugul yihiin saameynta isbedalka cimilada, isla markaana aanay u diyaarsaneyn dhibaatooyin dheeraad ah sida abaaraha ba’an.

Bangiga Adduunka ayaa ku baaqay in taageero badan loo fidiyo dadkaasi saboolka ah, madaxda caalamkana ay dhimmaan qiiqa hawada wasakheeya.

Warbixinta ayaa la baahiyay todobaadyo yar ka hor inta aanu caasimadda Paris ee Faransiiska ka furmin shirka Qaramada Midoobay ee cimilada adduunka.