Dab ka kacay xarun lagu hayo qaxootiga

Lahaanshaha sawirka AFP

Dab ayaa qabsaday xarun dadka lagu hayo oo ku taala jaziiradda Christmas ee dalka Australia arrintaas oo saamayn wayn yeelatay.

Arrintaas oo aan wali la xalinin sida ay sheegeen saraakiisha dawladda.

War ay soo saartay waaxda socdaalka ayaa lagu sheegay in ilaaladii goobtaasi ay isaga baxeen ammaankooda dartii.

Adeegyadii caafimaadka, waxbarashada iyo kuwii ciyaaraha ayay waxyeelo gaartay.

Warbixintaas waxay diiday in mudaaharaad wayn dhacay, laakiin waxaa lagu sheegay in ay kacsantahay xaaladda goobtaasi lagu hayo qaxootiga iyo dadka magangalyo doonka ah.

Xaruntaasi ku taala Jasiiradda Christmas, waxaa sidoo kale lagu hayaa dadka reer New Zealand ee laga masaafurinayo Australia.

Dhimashada maxbuus ayay ka dhalatay mudaaharaad.

Daganaansho la’aanta ayaa bilaabatay kaddib markii koox iiraaniyiin ah ay bilaabeen in ay ka mudaaharaadaan dhimashada Fazel Chegeni, oo ah Irani Kurdi ah, kaas oo ka baxsaday xaruntaasi dadka lagu hayo sabtidii, sida lagu sheegay war qoraal ah.