Urdun oo macalimiin ajaaniib ah lagu dilay

Lahaanshaha sawirka AP

Labo qof oo Maraykan ah iyo mid South African ah ayaa la dilay oo lagu toogtay xero booliiska lagu tababaro oo ku taala dalka Urdun.

Saddexda qofba waxay ahaayeen macalimiin, waxayna geeriyoodeen markii uu xabbad ku furay askari reer Urdun ah.

Waxaa lagu soo waramayaa in kuwo kale oo Maraykan ah lagu dhaawacay rasaas sii socotay oo ka dhacday xeradaasi oo ku taala meel qarka u saaran magaalada caasimadda ah ee Cammaan.

Qof goobjooge ah ayaa sheegay in askarigii dilka gaystay uu isna is dilay balse warbaahinta dawladdu waxay tabisay in laamaha ammaanku toogteen qofkii dilka gaystay.

Ilaa iyo hadda ma cada waxa ku kalifay dilkaasi.