Myanmar: Mucaaradka oo guul filaya

Lahaanshaha sawirka Reuters

Natiijadii ugu horaysay ee ka soo baxday doorashadii axadii ka dhacday dalka Myanmar ayaa muujinaysa in Xisbiga ugu wayn mucaaradka ee National League for Democracy, uu ku guulaystay dhamaan 12 kii kursi ee lagaga dhawaaqay magaalada ugu wayn dalkaasi ee Yangon.

Xisbigan oo ay hogaamiso Aung San Suu Kyi, oo ah gabadh ku guulaysatay biladda nabada ee adduunka ee Nobel, ayaa sheegay in ay filayaan in ay ku guulaystaan todobaatan boqolkiiba kuraasta baarlamaanka.

Sida uu dhigayo dastuurka dalkaasi millatariga ayaa loo qoondeeyay boqolkiiba 25 in ay ku yeeshan baarlamanka.

Sidaas daraadeed mucaaradka waxaa looga baahanyahay in ay ku guulaystaan saddexmeeloodaw labo ka mid ah inta hartay si ay u awoodaan in ay soo dhisaan dawladda xigta.