Muuse Biixi oo loo doortay musharraxa Kulmiye

Lahaanshaha sawirka Egeh
Image caption Madaxweyne Siilaanyo oo sheegay in uusan tartami doonin

Guddoomiyaha xisbiga talada haya ee Kulmiye Muuse Biixi ayaa loo doortay musharraxa xisbigiisa kaddib doorasha ay qabteen golaha dhexe.

Muuse Biixi waxaa uu helay 344 cod, iyadoo ay goobta shrika ku sugnaayeen 365 xubin oo ka tirsan golaha dhexe ee xisbiga Kulmiye.

Lahaanshaha sawirka Egeh
Image caption Muuse Biixi waxaa u codeysay 344 xubin oo ka tirsan golaha dhexe

Ma jirin cid la tartantay Muuse Biixi, iyadoo musharrixiintii xisbiga ee kale ay qaadaceen doorashadani.

Madaxweyne kuxigeenbka waxaa ku guulaystay Cabdiraxman Cabdullahi Ismaaciil Seylici, oo helay 230 cod.

Lahaanshaha sawirka Egeh
Image caption Saleymaan Xaglatoosiye oo aqbalay in looga guulaystay jagada musharraxa madaxweyne kuxigeenka

Waxaa uu ka guulaystay wasiirka caafimaadka Saleymaan Ciise Xaglatoosiye, oo helay 114.

Madaxweynaha Somaliland Maxamad Maxamuud Siilaanyo oo goobta joogay ayaa ku dhawaaqay inuusan tartamayn mar kale.