Wasiiradda cusub ee Nigeria oo la dhaarinayo

Lahaanshaha sawirka Buhari Twitter
Image caption Madaxweyne Buhari ayaa wacad ku maray la dagaallanka musuq maasuqa

Golaha wasiiradda cusub ee Nigeria ayaa maanta xilkooda loo dhaarinayaa , kaddib muddo ka badan 7 bilood markii uu madaxweyne dalkaasi ka noqday Mohammadu Buhari.

Madaxweynaha ayaa wacad ku maray in uu waxbadan ka qabanayo musuq maasuqa dalkiisa hareeyay.

Waxa ay ahayd magacaabid waqti badan la sugayay, balse ugu dambeyntii golaha wasiiradda cusub ayaa shaqadooda bilaabaya.

Madaxweyne Buhari ayaa isku dayay hubinta in wasiiradan cusub aanay ku takri fali doonin jagooyinka loo dhiibo.

Mr Buhari ayaa go’aansaday inuu dusha kala socdo howsha uu qabanayo wasiirka batroolka, oo ah halka uu dhakhliga ugu badan kasoo galo dalkaasi.

Inta badan shacabka Nigeria ayaa taageersan tallaabooyinka uu qaadayo Mr Buhari, oo horay u ahaa jenaraal ka tirsan ciidammada.

Waxa uu ballanqaaday inuu adeegsanayo siyaasaddo cusub, balse arrintaasi ayaa culeyskeeda leh, maadaama ay weli shaqeynayaan inta badan siyaasiyiintii hore.

Caqabadaha horyaalla dowladda Mr Buhari ayaa waxaa ugu waaweyn dhaqaalaha batroolka ku tiirsan ee sii liicaya iyo dagaalka ka dhanka ah ururka Boko Xaraam.