US oo raadineysa hogaamiyaha Alshabaab

Lahaanshaha sawirka d
Image caption Hogaamiyayaasha la raadinaayo afar ka mid ah waxay ugu sareeyaan kooxda

Mareykanka ayaa malaayiin dollar oo abaalmarin ah u ballan qaaday cidkastoo sheegta akhbaar ku saabsan meelaha ay ku dhuumanayaan hogaamiyayaasha kooxda Al-shabaab.

Abaal marinta waxaa ka mid ah lix milyan oo dollar oo loo ballan qaaday qofkii sheega meesha uu ku sugan yahay hogaamiyaha kooxda ee abu Cubeyda.

Kumannaan qof ayaa la sheegaa in ay ku dhinteen weerarada kooxda Alshabaab ay ka fulisay kudaha Soomaaliya.

Sidoo kale dad badan ayaa ku dhintay weeraro ay ka fuliyeen dalalka Kenya iyo Ugandha oo ciidamo ay kaga sugan yihiin Soomaaliya.

Lixdan xubin ee la doondoonaayo waxaa lagu eedeeyay inay ka dambeeyeen weeraro uu ka mid yahay kii jaamacadda Garisa ee bishii April.

Waaxda arrimaha dibadda ee Mareykanka waxa ay sheegeysaa in raggan ay ka dambeeyaan bixinta dhaqaalaha, shaqaaleysiinta iyo tababaridda xubnaha kooxda.

Abaalmarinta ugu badan waxaa la dulsaaray hogaamiyaha kooxda Abu Cubeyda.

Ninkan ayaa hogaamiyaha kooxda noqday markii la dilay sanadkii hore, hogaamiyihii hore ee Al-shabaab Axmed Godane, oo ku dhintay duqeyn ay diyaaradaha droneska Mareykanka ka fuliyeen soomaaliya.

Abu Cubeyda ayaa ku guuleystay in kooxda aysan ka go’in Al-Qacidda oo ay daacad u sii ahaadaan, iyadoo ay jiraan warar sheegaya in garab ka mid ah uu ku biiray kooxda la baxday Khilaafada Islaamka.