Ganacsade caan ah oo Jabuuti ku geeriyooday

Lahaanshaha sawirka BBC World Service

Wararka ka imanaya magaalada Jabuuti ee caasimadda Jabuuti ayaa sheegaya in ganacsade Ibraahim Cabdi Kaahin oo ahaa ganacsade laga yaqaan geeska Afrika uu geeriyooday.

Sida uu BBC-da u xaqiijiyay wasiirkii hore ee Arimaha Dibedda ee Jamhuuriyadda Jabuuti, xildhibaan Cali Cabdi Faarax, ganacsadaha ayaa goor dhoweyd ku geeriyooday magaalada Jabuuti.

Ganacsade Ibraahim Dheere oo ahaa nin weyn oo ay da’diisu ku dhaweyd 100 sano ayaa wuxuu dibedda ka soo dejin jiray bucshirooyin kala duwan oo uu soo mariyo dekedaha Jabuuti, Berbera iyo Muqdisho.

Ganacsadahan ayaa aad looga yaqaan geeska Afrika, waxa uuna ku lahaa ganacsiyo baahsan.

Xildhibaan Cali Cabdi Faarax, waxa uu u sheegay weriyaha BBCda ee Hargeysa, in Madaxweynaha Jabuuti, Ismaaciil Cumar Geelle, uu u diray tacsi qoyskii iyo dadka uu ka geeriyooday ganacsade Ibraahim Dheere.

Dhanka kalana Madaxweynaha Somaliland, Axmed Maxamed Siilaanyo, ayaa tacsi taa la mid ah ka diray geerida ku timid ganacsade Ibraahim Dheere.