Midowga Yurub iyo Afrika oo heshiis ku gaaray Malta

Lahaanshaha sawirka Reuters
Image caption Hogaamiyayaasha Midowga Yurub iyo Afrika oo Malta ku heshiiyay

Hogaamiyayaasha Midowga Yurub oo shir lahaa hogaamiyayaasha Afrika ayaa ansixiyay heshii heshiis loogu talagalay in lagu caawiyo wadammada Afrika sidii ay u joojin lahaayeen qulqulka muhaajiriinta safarrada khatarta ah u gala Yurub.

Dadaal lagu doonayo in wax looga qabto sababaha asalka u ah socdaalka sharci darrada ah, ayaa madaxda Midowga Yurub waxa ay meel mariyeen sanduuq dhaqaale oo gaaraya 1.9 bilyan oo doolar oo Afrika la siinayo.

Xilli dambe oo maanta ahna, hogaamiyayaasha Midowga Yurub ayaa waxa yeelan doonaan shir aan rasmi aheyn oo ay ku eegi doonaan xaaladda socdaalka ee guud ahaan Yurub, oo ay ka mid tahay wadammada Balkans-ka.

Midowga Yurub ayaa qiyaasaya in wixii loo gaaro 2017-ka ay ilaa iyo saddex milyan oo qof oo kale ay suuragal tahay in Yurub ay galaan iyagoo magangalyo ama shaqo doon ah.