Kurdiyiinta oo bilaabay weerar ay dib ugu qabsanayaan Sinjab

Lahaanshaha sawirka AP
Image caption Ciidammada Kurdiyiinta ee loo yaqaan Peshmerga oo isu diyaarinaya weerrarka Sinjar

Ciidammada Kurdiyiinta ee ku sugan waqooyiga Ciraaq ayaa waxa ay qaadeen weerar ay sheegeen in ay uga gol leeyihiin sidii ay dib ugu qabsan lahaayeen magaalada Sinjar ee u dhaw xuduudda Suuriya.

Weerarka ayaa aroortii hore ku bilowday duqeyma cirka ah oo isxigxiga oo ay gaysanayeen diyaaradaha xulufada, halkaasi oo qiiq weyn uu ka baxayay hareeraha magaalada Sinjar.

Magaalada ayaa waxa ay ku taal dhul dhaca buur weyn oo loogu magac daray isla magaalada, istiraatiijiyad ahaanna waxa ay ku taal meel u dhaw xudduuda Ciraaq iyo Suuriya kala qeybisa.

Kurdiyiinta Pesh Merga ayaa waxa ay bilaabeen in ay gantaalo ku ganaan magaalada, halka ciidammadooda ay bilaabeen in ay u ruqaansadaan furunta hore ee dagaalka.

Ciidammada Kurdiyiinta ayaa tan iyo bilooyinba waxa ay gacanta ku hayeen qeyba ka mid ah magaalada.

Hasayeeshee maleeshiyaadka Dowladda Islaamiga ah ayaa muujiyay iska caabin xooggan taasi oo horseedday dagaal daba dheeraday.

Kurdiyiinta ayey ka go’an tahay in ay dib u qabsadaan magaalada Sinjar.

Magaalada ayaa bishii Agoosto ee sanadkii hore waxaa weerar lama filaan ah kula wareegay maleeshiyaadka isugu yeera Dowladda Islaamiga ah.

Weerrarada Kurdiyiinta ayaa waxaa baritaaraya duqeyma cirka ah oo ay gaysanayaan isbahaysiga uu horkacayo Mareykanka.