40 ku dhimatay qarax ka dhacay Lebnon

Lahaanshaha sawirka Reuters

Kooxda la magac baxday Dawladda Islaamiga ayaa sheegtay inay kadambaysay weerarkii isqarxinta ee Khamiistii ka dhacay caasimada Lebnoin ee Beyruut.

40 qof ka badan ayaa ku dhimtay, tiro intaaas kabadana way ku dhaawacantay markii laba qarax oo mataana ah ay ka dhaceen waddo mashquul badan oo ku taalla xaaafad ay Shiicada kubadantahay.

Aagaasi waxaa ku xoogan kooxda Xisbullaah, oo gudaha dalka Suuriya kula dagaalamaysa kooxda Daacish.

Dawladda Lebnon ayaa ku dhawaaqday in maanta ay tahay maalin baroor diiq qaran.

Qaraxyadaasi waxay ahaayeen kuwii ugu xumaa ee ka dhaca dalkaasi tan iyo markii uu dhamaaday dagaalkii sokeeye ee Lebnon ka dhacay 1990-kii.