Kerry: Libya waa inay wax ka barato Tunisia

Lahaanshaha sawirka AFP

Xoghayaha Arrimaha Dibedda ee Mareykanka, John Kerry ayaa maanta sheegay in siyaasiyiinta Libya ay tahay inay wax ka bartaan dalka deriska la ah ee Tunisa si ay uga baxaan colaadda.

Mr Kerry ayaa hadalkan waxa uu ka sheegay shir jaraa’id uu manta ku qabtay magaalada Tunis oo booqasho uu ku marayo, halkaasi oo uu ka sameeyay balan qaad ah inay ka go’an tahay dowladdiisa Mareykanka inay ka caawiso horumarinta ammaanka iyo dhaqaalaha dalkaasi.

Waxa uu sheegay inay muhiim tahay in dadka doonaya inay hoggaamiyaan Libya ay tahay xaqiiqdii dalka hoggaanka u qabtaan oo ay tusaale ka dhigtaan Tunisia iyaga oo isku imanaya iskuna tanaasulaya si loo dhiso dowlad sharci ah.