Kerry: wali lagama heshiin mustaqbalka Assad

Lahaanshaha sawirka EPA

Xoghayaha Arrimaha Dibada Maraykanka, John Kerry, ayaa ugu baaqay qaybaha siyaasadda ee dalka Suuriya inay xal ka gaaraan xaaladda siyaasadeed ee dalkaasi marka lagu kulmo magaaladda Viena isbuucan dhamadkiisa.

Kerry oo ay hadda u bilaabatay booqasho uu ku tagayo wadamada Tunisiya iyo Turkiga ayaasheegay in loo baahanyahay in wax badan la qabto.

Waxa uu sheegay in dhinacyada ku lug leh collaada Suuriya aysan wali ka heshiinin doorka uu madaxweyne Assad ku yeelan doono kalaguurka siyaasadeed ee dalkaasi. Waxa uu soo dhaweeyay in ugu yaraan quwadaha ajnbiga ee kala taageersan dhinacyda Suuriya ay wadaxaajoodka kusaabsan arintaasi ay qayb ka yihiin.

Waxaa kamid ah Maraykanka iyo Sucuudiga, oo taageersan falaagada, Iraan iyo Ruushkana ay dhinaca kale taagersanyihiin madaxweyne Assad.