ugu yaraan 120 qof ku dhimatay weeraro ka dhacay Paris

Lahaanshaha sawirka AFP

Baliiska dalka Faransiiska ayaa sheegay in 26 qof ay ku dhinteen weeraro isxig-xiga oo ka dhacay caasimada Paris. Rasaas iyo qaraxyo ayaa laga maqlay laba goobood oo ku yaalla waqooyi beri caasimadda. Qarax kale waxaa laga maqlay garoonka cayaaraha ee the Stade de France.

Madaxweyne Hollande ayaa halkaas ku daawanayay cayar dhaxmaraysay kooxda qaranka iyo koox ka socoto dalka Jarmalka.

Goob lagu caweeyo ayaa la sheegay in dablay ay ku haystaan illaa iyo 60 qof. Baliiska ayaa halkaa gaaray.

Sawir qaade katirsan BBC-da oo joogay goobtaasi ayaa sheegay in uu arkay maydadka illaa iyo 10 qof.