Shabaab oo la wareegtay Fiidoow

Lahaanshaha sawirka AP

Wararka ka imanaya Soomaaliya ayaa sheegaya in xarakada al-Shabaab ay la wareegtay gacan ku haynta degmada Fiidoow ee gobolka Shabeellaha Dhexe.

Ciidamadii AMISOM iyo kuwii dowladda Soomaaliya ee halkaasi ku sugnaa ayaa la tilmaamay inay xalay isaga soo bexeen deegaanka.

Gudoomiyaha Mahaday oo Fiidow ay hoostagto ayaa BBC-da u xaqiijiyay arrintaasi, lakiin waxa uu tilmaamay inaan lagu soo wargelin.