UK iyo Ghana oo heshiis wada galay

Lahaanshaha sawirka PA

Dowladda UK ayaa heshiis ku saabsan kala wareegsi maxaabiis la gashay dowladda Ghana.

Heshiiskan waxa uu ka dhigan yahay in haddii qof u dhashay dalka kale uu dambi ka galo waddan aan kiisa ahayn – inuu wixii xabsi ah ee lagu xukumo uu ku dhameysan karo dalkiisa.

Wasiirka Horumarinta Caalamiga ee UK, Grant Shapps ayaa sheegay in in laga kaxeeyo dalkan dadka dambiyada gala ee ajnabiga ah ay arrin muhiim ah u tahay dowladda Britain.

Dalkan UK waxaa xabsiyadiisa hadda ku jira 96 qof oo u dhashay waddanka galbeedka Afrika ku yaal ee Ghana.

Heshiiskan cusub ee ay galeen labada dowladdood ayaa waxa uu maxaabiista u siinayaa fursad inay iyagu dalban karaan in loo wareejiyo dalkooda ama haddii uu jiro amar lagu masaafurinayo waxa la wareejin karaa iyaga oo aan raali ka ahayn.