U codee Laaciibka Afrika ee 2015

Yacini Brahimi oo ahaa ciyaartooygii ku guulaysatay 2014kii ayaa haddana ku biiraya ciyaartooyga Gabon ka yimid Pierre-Emerick Aubameyang, ciyaartooyga , Ghanaianka ah André Ayew, ka Senegal’ska ah Sadio Mané iyo Yaya Touré oo Ivory Coast u dhashay.

Waxaa go'aanka gaadhi doona tageerayaasha kubbada cagta ee Afrikaanka ah , kuwaasi oo haysta ilaa lixda galabnimo taariikhdu markay tahay 30 November2105.

Waxaad ku codeyn kartaan bogaan BBC-da ama idinka oo soo diraya Text fariin ah. oo aad numbarkani kusoo hagaajinaysaan 0044 7786 202 008 adigoo qofkaad doonayso numabrkiisa dooranaya.

Text 1 for Pierre-Emerick Aubameyang

Text 2 for André Ayew

Text 3 for Yacine Brahimi

Text 4 for Sadio Mané

Ama Text 5 for Yaya Touré

Qiimaha textu waa ka caalamiga ah ee textiyada , dabcan waad waydiin kartaa sharikada telefoonada ee aad ku xidhantahay.Halkii mobelba waxaa loo ogol yahay hal text oo kaliya.

Ciyaartooyga guulaysta waxaa lagu dhawaaqi doonaa Maalinta Jimcaha 11ka December 2015 inta u dhaxaysa 15.30-16.00GMT, iyadoo la qaban doono xafalada gaara ah oo ay qabanayso qaybta caalmka ee BBCda , waxaa kaloo lagu soo bandhigi doonaa, bogaga internetka ee BBCSport iyo BBC Africa

Saddex kamida tartamayaasha sanadkani waxay hore ugu guulaysteen Abaalmarinta BBC-da Ciyaartooyga Afrika ,iyadoo ay u codeyeen 46 Weriye oo Afrika joogaa , Ayew wuxuu ku guulaystay 2011, Toure 2013 iyo Brahimi 2014.

Aubameyang ayaa markii sadexaad ku jira tartanka halka Mane ay u tahay markii u horeeysay.