Baaritaano ay wadaan booliska Faransiiska

Lahaanshaha sawirka AFP

Booliska dalka Faransiiska ee baaraya weeradii loo adeegsaday qoryaha iyo bambaanooyinka ee Jimcihii ka dhacay Paris ayaa sheegay in dablayda weerarka gaysatay ay ahaayeen seddax koox.

Kooxda Daacish ee iskumagacowday Dawladda Islaamiga ayaa sheegtay in ay ka damabysay weerarkaasi, oo 129 qof ay ku dhinteen.

Todobo kamid ah kuwii weerarka soo qaaday ayaa dhintay. Mid ka mid ah ragaasi waxaa lagu sheegay in uu ahaa 29 jir Faransiiska u dhashay oo lagu magacaabo Cumar Ismaaciil Mustafa waxaana ay booliska isku dayayaan inay ogaadaan inuu ninkani hada ka hor u safray dalka Suuriya iyo inkale.

Booliska dalka dariska la ah faransiiska ee Bilguim-na waxa ay xireen seddax qof oo lala xariirinayo weerarada Paris ka dhacay.

Seddax maalmood oo baroordiiq qaran ah ayaa ka billaabatay dalka Faransiiska oo lagu maamusayaa dadkii dhintay.

Lahaanshaha sawirka Getty
Image caption Mid kamid ah mukhaaydaha la weeraray

Maamulka dalkaasi waxa ay hadda sheegayaan in 99 qof oo kamid ah dadkii dhaawacmay ay xaalad khatar ah ku suganyihiin.