Kulanka waddamada G20 ee Turkiga

Lahaanshaha sawirka Reuters

Kulanka wadamada ku bahoobay G20 ee ka dhacaya dalka Turkiga ayaa madaxweynaha Maraykanka Obama waxa uu sheegay in dalkiisu uu barbar taagan yahay Faransiiska , isagoo ka dhican hadlaya madaxweynaha Turkiga. Waxaanu sheegay in dad shicib ah layska dilaa inay tahay wax kasoo horjeeda bani’aadnimada.

Madaxweyne Erdogan ayaa dhankiisa sheegay in isbahaysiga la dgaalamaya kooxda dawlda Islaamiga ahi ay dib u eegayaan talabooyinka ay qaadayaan isla markaana ay fariin adag u dir doonaan Kooxaha argagaxisada.

Madaxweyne Obama ayaa sheegaya in sidii loo joojin lahaa dagaalka Suuriya laga wada hadli doono waxaana la filaya inuu maanta wadhadalo gaara ah la yeelan doono Boqorka Sucuudiga Salmaan.