Weerarada Paris iyo muhaajiriinta

Lahaanshaha sawirka EPA

Madaxa golaha Yurub, Jean-Claude Juncker, ayaa sheegay inaan loo baahneyn in isbadal lagu sameeyo siysaasadda soo galootiga midowga Yurub, kaddib weeraradii Paris. Isagoo ka hadlayay shirka G20 ee ka socda Turki, ayuu sheegay in dadka ku lug lahaa weerarada ay yihiin dambiiloyaal oo aysan aheyn qaxooti.

Mid ka mid ah kuwa weerarka soo qaaday ayaa lagu sheegay inuu yahay qof Suuriyaan ah oo Yurub ka soo galay Giriigga lix toddobaad ka hor.

Saraakiisha Poland iyo Slovakia ayaa sheegay inaysan dooneyn inay sameeyaan heshiis Yurub oo dib u dejin loogu sameynayo tobanaan kun oo qaxooti ah kuwaasi oo bilihii dhawaa ka yimid Afrika iyo Bariga dhexe