Dhaqaalaha Japan oo mar kale hoos u dhacay

Lahaanshaha sawirka AFP
Image caption dhaqaalaha japan oo is dhimay mar kale

Dhaqaalaha Japan ayaa waxaa soo food saaray hoos u dhac, ka dib markii uu is dhimay 0.8% bilihii July, august iyo September.

Xog hordhac ah ayaa muujinaysa in dhaqaalaha 3aad ee dunida ugu weyn uu is dhimay markii labaad sannadkan gudihiisa, kaasoo lagu asteeyey inuu yahay hoos u dhac farsamo. Koboca ayaa la filayey inuu hoos u dhaco, ka dib markii uu ka gaabiyey dib u eegis lagu sameeyey oo ahayd 0.7% seddexdii bilood ee eek a horreeyey July, sababo la xiriira dalabka gudaha oo yaraaday.

Dhaqaalaha Japan ayaa hoos u dhacay afar goor tan iyo mashaakilkii dhaqaalaha ee dunida. 4ta xilli ee sannadka ee lagu saleeyey, ayuu koboca hoos uga dhacay 0.2% 3dii bilood ee ka horreeyey October marka loo eego 3dii bilood ee ka horreeyey July.

Dhaqaaleyahannadu waxay sheegeen in xogta liidata ay culays ku saari doonto xukuumadda iyo Baanka dhexe inay dhaqaalaha sare u qaadaan.

Inkastoo uu dhaqaaluhu hoos u dhacay, haddana dawladdu waxay ku niyad san tahay in dib u kabasho ay iminka socoto.